About Us
Waxaa nahay madal wax barasho oo kaa caawinaysa sidii aad u noqon lahayd xirfadle isku filan oo aan cid kale u baahnayn ilaah na abuuray mooyee, waxaan kuu diyaarinay macalimiin kala duwan oo khibrad iyo waayo aragnimo dheeraad u leh sida uu qofka u shaqeesan lahaa si madax banaan islamarkaana uu uga faa’ideeysan lahaa fursadaha cusub ee maanta ay Technology-da noo fududeeysay.
Khibradeena
Macalimiinteena madashan casharada kuugula wadaagaaya waxeey khibrad dheer iyo waayo aragnimo buuxda u leeyhiin xirfadaha ay bixinayaan islamarkaana way soo tijaabiyeen ineey shaqeenayso.
Waxeeyna diyaar kuula yihiin sidii aad adigana ku gaari lahayd riyooyinkaaga mustaqbalka.
Aragtideena Fog
Waxaan rabnaa inaan soo saarno bulsho isku filan oo xirfadleyaal ah islamarkaana iskood u shaqeesan karta soona saaran karta noloshooda iyo tan familkooda.
Si loo gaaro taas waa inaan juhdi badan ku bixinaa sidii aan u horumarin lahayn madashaan oo aan ugu soo dari lahayn marba xirfad cusub oo aan is lenahay way ka faa’iidi karaan.
Iska Hubi Heerka aad Joogto
Waxaad kala dooran kartaa heerarka kala duwan ee xirfadaha
Beginner
Waa Koorsooyin bilaaw ah oo meel hoose kaa soo dhisaayo islamarkaana faham fiican kaa siinaayo kooraska aad dalbatay
Advanced
Koorsooyinka Advanced ka ah waxaad ku baranaysaa xirfadda heerkeeda sare oo ku noqonayso khabiir.